Ku soo dhowoow Xisbiga Ogaal.
Xisbiga Ogaal — Garasho, Wacyi iyo Aqoon. Soomaaliya mideysan, nabad ah, barwaaqo ah.
XISBIGA OGAAL
Ku Saabsan Xisbiga Ogaal
Ka dib markii muddo shan iyo toban sano ka badan la iska waraysanayey xaaladda uu ku sugan yahay dalkeennu, dhibaatooyinka ragaadiyey ummadda Soomaaliyeed iyo waxa sababay in dhibaatooyinkaas laga bixi waayo, waxaa Xisbiga Ogaal lagu aasaasay magaalada Muqdisho horraantii 2026-kii.
Xisbiga Ogaal waxaa aasaasay rag iyo dumar u kuur galay dhibaatooyinka Soomaaliya, ku sameeyey cilmi-baaris qoto dheer, kadibna diyaariyey hab-raacyadii looga bixi lahaa. Ogaal wuxuu u taagan yahay caddaalad, amni, nolol, koboc dhaqaale, dowlad-wanaag iyo xuquuq muwaadinnimo.
Ereyga “Ogaal” wuxuu ka yimid afka Soomaaliga, wuxuuna macnihiisu yahay garasho, wacyi iyo aqoon.
In muwaadin kasta helo caddaalad, xuquuqdiisa iyo adeeg dowladeed oo loo siman yahay.
In la abuuro shaqooyin, la soo jiito maalgelin, lana xoojiyo isku-filnaanshaha dalka.
In la dhiso Soomaaliya nabad ah, mideysan, oo leh hay’ado adag iyo ciidan xoog leh.
Abdulkareem Hassan Jama waa siyaasi Soomaaliyeed, aqoonyahan iyo khabiir dhismaha dowladnimada.
Waa hoggaamiyaha Xisbiga Ogaal, oo u ololeeya dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, xoojinta midnimada qaranka, iyo hirgelinta maamul ku dhisan aqoon iyo xog sugan. Sidoo kale, waxa uu ka mid yahay musharraxiinta u taagan doorashada madaxtinnimada Soomaaliya ee 2026.
Waxa uu soo noqday Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta; Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa uu ka mid yahay aasaasayaashii Heritage Institute for Policy Studies iyo City University of Mogadishu. Aragtidiisu waxay xoogga saartaa dib-u-heshiisiinta, federaalka, fursadaha dhallinyarada, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo hay’ado hufan.
Musharrax Madaxweyne 2026
ARAGTIDA IYO HIMILADA
Aragtida, Himilada & Mabaadi’da Ogaal
Aragtida Xisbiga Ogaal: Soomaaliya leh hay’ado adag, maamul caddaalad ku dhisan, fursad dhaqaale, iyo hoggaan dadweyne oo u adeega muwaadiniinta.
Himilada Xisbiga Ogaal: In la dhiso Soomaaliya mideysan, nabad ah, barwaaqo ah, iyadoo lagu saleynayo hoggaan isla-xisaabtan leh, maamul loo dhan yahay, hay’ado dimuqraadi ah oo xooggan, fursado dhaqaale, iyo nidaam federaal ah oo si caddaalad, sharaf iyo sinaan leh ugu adeega dhammaan muwaadiniinta.
Midnimo qaran, dib-u-heshiisiin iyo ilaalinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Sarraynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka.
Isla-xisaabtan, hufnaan iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Soomaaliya Mideysan, Nabad ah, Barwaaqo ah.
Ogaal wuxuu u taagan yahay in dadka Soomaaliyeed helaan caddaalad, amni, nolol, koboc dhaqaale, dowlad-wanaag iyo xuquuqdooda muwaadinnimo. Xisbigu wuxuu dhallinyarada siinayaa madal sharci ah oo ay ku xaqiijiyaan himilooyinkooda dhow iyo kuwa fog.
HOGGAAMIYAHA XISBIGA
Waayo-aragnimo, Adeeg iyo Hoggaan Mas’uul ah.
Wasiir hore iyo hoggaamiye ka soo shaqeeyey xarunta ugu sarreysa dowladda.
Aasaase ka mid ah Heritage Institute for Policy Studies.
Aasaase ka mid ah City University of Mogadishu.
Aqoon durugsan oo ku saabsan siyaasadda iyo dhismaha dowladnimada.
Aragti ku dhisan koboc dhaqaale, shaqo-abuur iyo soo jiidashada maalgelinta.
Hoggaan nidaamsan oo ku dhisan aqoon, mas’uuliyad iyo natiijo.
Qayb Ka Noqo Xisbiga Ogaal
Qayb ka noqo Xisbiga Ogaal si aan isaga kaashanno isbeddel aan dalkeenna ku badbaadino. Nala wadaag waqtigaaga, aqoontaada iyo aragtidaada si aan u dhisno Soomaaliya mideysan, nabad ah oo barwaaqo ah.
Gaarsii farriinta Ogaal dhallinyarada, aqoonyahanka, odayaasha iyo bulshada inteeda kale.
La wadaag aragtida xisbiga munaasabadaha, baraha bulshada iyo shabakadaha deegaanka.
Ku biir dhaqdhaqaaq qiimeeya codka muwaadinka iyo mas’uuliyadda qaranka.